Muuse Biixi oo si carro leh uga hadlay heshiiska Turkiga

Image
Biixi ayaa sheegay in la fulin doono qodobadii ka soo baxay heshiis-beenaadkii Somaliland-Itoobiya.

Hargeysa, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa si kulul uga hadlay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya, kaasoo la xiriira iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in la fulin doono qodobadii ka soo baxay heshiis-beenaadkii u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo aan loo eegin isku dayga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu ahaa tiirka dagaallada taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in la gaaray waqtigii la xoojin lahaa nabadda iyo isku xirnaanta dalalka gobolka.

ْ"Xasan waxaan leeyahay waxba idiin tari mayso inaa wacdaan Masar iyo Turkigaba, waxaana leeyahay shacbiga Somaliland waxba ha ka welwelina, hore ayaanu u soconaa.” ayuu raaciyay.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya kadib heshiis ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dhigaya in Turkiga uu dhiso ciidamada badda Soomaaliya, isla markaana uu helo 30% ee kheyraadka badda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM