Muuse Biixi oo u dhoofay Imaaraadka Carabta iyo ujeedka safarkiisa

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha, ayaa yimid kadib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo, waxana uu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo.

"Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”

Socdaalka waxaa Muuse Biixi Cabdi ku wehelinaya wasiirrada arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon] iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi [Shibbiin].

Waa booqashadii labaad oo muddo 40 maalmood gudaheeda ah oo uu Muuse Biixi ku aado wadanka Imaaraadka, iyada oo dhanka kale uu noqonayo midkii saddexaad oo tan iyo markii la doorto ugu baxo dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM