Muuse Biixi oo u dhoofay Imaaraadka Carabta iyo ujeedka safarkiisa

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha, ayaa yimid kadib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo, waxana uu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo.

"Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”

Socdaalka waxaa Muuse Biixi Cabdi ku wehelinaya wasiirrada arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon] iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi [Shibbiin].

Waa booqashadii labaad oo muddo 40 maalmood gudaheeda ah oo uu Muuse Biixi ku aado wadanka Imaaraadka, iyada oo dhanka kale uu noqonayo midkii saddexaad oo tan iyo markii la doorto ugu baxo dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM