Muuse Biixi oo xilalkii ka qaadey Wasiiro, Agaasimiyaal iyo Wakiiladdii Kenya iyo UAE

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saarey Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaa xilka ka-qaadis lagu sameeyay Wasiiradda kala ah; Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Maxamed Muuse Abees, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa Xil Ka-qaadis ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga, Jamaal Cabdilaahi Muxumed, Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xiriirka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyo Cabdikariim Xuseen Siciid, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu shaaciyay Xil Ka-qaadista Wakiilada Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Xasan Hirad Yaasiin iyo Kenya Ayaanle Salaad Diiriye.

Magacaabid 

1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha

8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda

12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya

14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer.

Xilka qaadistan ayaa timid kadib markii dhawaan Maxkamad looga yeeray wasiirka Warfaafinta, oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq iyo wax-isdaba-marin, iyadoo horeyna loogu xiray kiiskan agaasimiyaal wasaaradda katirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM