Nuux Taani oo Booqday Buq-Dharkayn

Image
Breaking News

Laascaanood-Taliyaha Ciidamada Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa Booqasho ku tagay sida uu ku waramay Telefishinka Somaliland deegaanada u dhaw Buq-Dharkayn.

Walaw Garowe Online aysan si madax banaan u xaqiijin karin in halka Nuux Taani booqday ay tahay Buq-Dharkayn misana warbaahinta lagama siidayn hadalka Nuux Taani oo aan indhawaala la maqal warkiisa tan iyo intii Ciidankiisu sida ba'an ugu jabay dagaalkii 25 Augost ku qabsaday Goojacadde.

Hogaanka Hawlgalinta ciidamada Somaliland oo hadlay ayaa sheegay in ciidanku Heegankiisi caadiga ahaa ku jiro isla markaana guulaysan doono.

SSC-Khaatumo ayaa horey u sheegtay in Buq-dharkayn ay kula dagaalameen ciidamada Somaliland balse aysan halkaasi joogin maleeshiyo beeleed sida ay hadalka u dhigeen.

Colaada Sool ayaa laga digayaa in ay isku badasho mid Beelo iyada oo u muuqata mid Reer Mi'yiga ku faafaysa.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM