Qaraxii Buuhoodle oo loo soo xiray dad ay kamid yihiin Mas'uuliyiin

Image

BUUHOODLE - Ciidamada amaanka magaalada Buuhoodle, ee xarunta gobolka Cayn ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 10 qof, oo mas'uuliyiin ay ku jiraan kuwaasoo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin qaraxii dhawaan magaalada ka dhacay.

Gudoomiyaha degmada Cabdifitaax Cali, oo kamid ah gudi loo xil-saarey baaritaanka qaraxii Ismiidaaminta ee 1-dii bishan ka dhacay xilli habeen ah magaalada, ayaa xaqiijiyay xariga 10-ka qof, isagoo carabka ku dhuftay inay kamid yihiin mas'uuliyiin.

Cabdifitaax ayaa intaasi ku daray in dadka lasoo qabtey ay ku socoto baaritaan, islamarkaana ay ciidamada amniga su'aallo ku waydiinayaan saldhigga degmada, isagoo intaasi ku daray in cidii dembi lagu helaa ay maxkamad soo taagi doonaan.

Qaraxii Ismiidaaminta ee Buuhoodle, oo aan wali cidna sheegan ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo labo kamid ah ahaayeen mas'uuliyiin, oo kamid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Khaatumo iyo siyaasi la-taliye usoo noqday Cumar Cabdirashiid.

Waxaa fuliyay qaraxa nin isku soo xiray walxaha qarxa kaasoo bartilmaameedsaday gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen labada mas'uul, xilli habeen ah oo la sheegay inay kasoo baxeen masjid kuna sii jeedeen hoygooda.

Weerarkan ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca Buuhoodle taariikhda inta la xasuusto, waxaana qaraxyada noocan ah ee ka dhaca dalka looga bartay Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM