Sare u kac ku yimid kiisaska kufsiga ee Somaliland
HARGEYSA, Somaliland – Guddiga Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa warbixin uu Axada maanta ah sii daayey wuxuu ku sheegay in koror baaxad weyn uu ka jiro dhanka kiisaska kufsiga ee ka dhaca degaanada maamulka gooni u goosadka ah.
Warbixintaas uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ay Somaliland ka dhaceen 142 taas oo la macno ah in ay afar xaaladood kusoo kordheen marka lala barbardhigo sanadkii 2019-kii.
Sidda ku xusan warbixinta, gobolka Sool oo gacan ku hayntiisa ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland sidda gobolada Sanaag iyo Ceyn ayaa kaalinta koowaad kaga jira liiska waxaana laga diiwaan-geliyey 37 kiisas oo kufsi hableed ah.
Gobolka martigeliya caasimadda Hargeysa oo kaalinta labaad kasoo muuqdey waxaa lagu waramay in ay ka dhaceen 25 kiis oo faro-xumeyn dumar ah.
Cabdisamad Sacad Xasan, agaasimaha fulinta ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Somaliland oo fahfaahiyey warbixinta, ayaa daaha ka rogay in waxyaabaha naadirka ah ee soo kordhay sanadkii hore ay tahay kufsi iyo dil wada socda.
"Way jiraan isbedelo waaweyn oo aan la taaban karin. Sidoo kale, way jiraan carqalado waaweyn oo aan horey u jirin oo soo kordhay. Tusaale ahaan, hadii aynu taabano arrimaha xuquuqda haweenka gaar ahaan kufsiga sanadkii hore waxaan jirin baa hadda jira," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey Barnaamijka Galabnimo ee Laanta Afka Soomaalida ee BBC.
Wuxuu ku daray: "Tusaale ahaan, berri hore waxaa dhici jirtay in hal qof uu gabar ama Inan kufsado laakiin hadda waxaa soo biirtay inta la kufsado kadibna la dilo. Arrimaha culeyskeeda leh weye oo soo korodhay".
Warbixinta oo ka kooban laba qeybood; wax-qabadka guddiga iyo xaalada dadka nugul ayaa sidoo kale waxaa aad lagu xoojiyey diidmadda guddiga ee ka dhanka ah Xeerka Xakameynta Kufsiga, waxaana ay ku taliyeen in la adkeeyo ciqaabta.
GAROWE ONLINE