Shacabka Somaliland oo u dareeray goobaha codbixinta [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Shacabka Somaliland ayaa saaka oo Isniinta ah, Nov 13 u dareeray goobaha codbixinta doorashada madaxtinimo oo la furay 6:00 a.m., taasi oo ay ku tartamayaan saddexda xisbii siysaadeed ee maamulkaasi.

Dad gaaraya 700,000 oo qof ayaa iskuu diiwaangeliyay inay ka qeyb-qaataan codbixinta doorashada, iyagoo ka codeynaya 1,642 goobood oo ku kala yaalla lixda gobolka ee Somaliland ka kooban tahay.

Dad weynaha ayaa safaf dhaadheer ugu jira inay codeeyaan, waxaana aad loo adkeeyay amniga, oo laga baqayo inay dhacdo qalalaase inta lagu guda jiro conbixinta. Halkan ka akhri.

Musharaxiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi, oo ka socda Kulmiye, Feysal Cali Waraabe oo u tartamaya UCID iyo Cabdiraxmaan Cirro oo isna calanka u sida Waddani ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha Somaliland.

Waa Doorashadii 5-aad oo ka dhacda Somaliland tan iyo markii maamulkaasi uu ku dhaawaaqay gooni-isaguu taagiisa aan cidna aqoonsan sanadkii 1991-dii.

Garowe Online, kala soco wararka ku saabsan Doorashada Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM