Shacabka Soomaaliyeed oo ka murugooday geerida ku timid Abwaan Jaamac Kadiye

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi ayaa dhawaan ku shahiiday madaafiic arxan darro ah oo lagu beegsaday gaarigiisa isaga oo maraya wadada labaad ee halbowlaha u ah Laascaanood kuna wajahanaa masaajidka si uu u guto salaada Maqrib-ka.

Jaamac ayaa ku dhashay magaalada Laascaano, waana si weyn looga yaqaanaa geyga Somaaliyeed, gabayadiisuna waxay taabanayaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda.

Waxa uu ku soo kordhiyay suugaanta Soomaaliyeed midabo kala duwan oo gabayada ka mid ah oo isaga gooni u ah,

Abwaanku waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay dawladii kacaanka waxa uuna tiriyey gabayo badan oo soomaalida dhexdeeda caan ka noqday. Jaamac ayaa ahaa Hanti suugeeneed ee ka wada dhaxeeya dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

Midnimada dadka Soomaaliyeed ayuu aad u jeclaa, ugana naxay dhibaatadii ka dhacday magaaladiisa Laascaanood, wuxuuna mar walba qaadi jiray muragada iyo dhibaatada ay la kulmayaan dadka deggan.

Allaha u naxariistee Jaamac Kadiye, waxa uu ummadda uga tagay hal-abuur-afeed ku waari doona suugaanta Soomaaliyeed.

Waxaana xusid mudan in beesha caalamku ay dhowr mar cambaaraysay weerarka aan loo meel dayin ee soo noqnoqda oo ay ciidamada Somaliland ku qaadaan dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan, kaas oo galaaftay nolosha dad badan oo ay ku jiraan waxgaradka magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM