​Shay Mire Dacar oo Hargaysa ku geeriyooday

Image

HARGAYSA, Somaliland- Fannaankii caanka ahaa Shay Mire Dacar ayaa galinkii dambe maanta ku geeriyooday magaalada Hargaysa ee caasumadda Somaliland, wuxuuna u dhintay xanuun muddooyinkii dambe hayay.

Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyay walaalkiisa Caabi Mire Dacar, wuxuuna sheegay in walaalkiis galinkii dambe maanta tii ALLE u timi isagoo tiiraanyada la wadaagay ehelkiisa.

Shay Mire, wuxuu fanka bilaabay sannadihii Sideetameeyadii isagoo ka unkay magaalada Ceerigaabo halkaasoo uga sii gudbay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Fannaanka ayaa tiriyay heeso caan baxay, wuxuuna dalka iyo tibadaba ka dhigay bandhig faneedyo kala duwan.

Balse, muddooyinkii dambe wuxuu ku sugnaa magaalada Hargaysa halkaasoo ay joogaan fannaaniin badan oo dalka magac ku lahaa.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM