Shiinaha oo Somaliland ku qeexay "qoys sohdin ka dhistey gurigooda"

Image
Danjiraha China u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray maamulka Hargeysa.

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland iyo safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hadalo kulul isku-dhaaf-sadey baraha bulshadda dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay.

Dooda ayaa ka bilaabatay qoraal ay wasaaardda arrimaha dibadda xukuumadda hogaamiye Muuse Biixi Cabdi ku dhaleeceysay dhoolatuska milatari ee Shiinaha ka sameeyay Marinka Taiwan.

"Xuduudaha qaran ee waddan leeyahay waa in la ixtiraamo lagana ilaaliyo argagixisada ku soo duusho ama khatar dibadeed, laakiin Dhoolatuska Shiinaha, run ahaantii, waxay jabinayaan maqaamkii Marinka Taiwan. Sidaas aawadeed, Somaliland waxay garab-taagan tahay Taiwan oo ay ka midaysan yihiin dimuquraadiyadda," ayay tiri wasaaradda.

Danjiraha China u qaabilsan Soomaaliya, FEI Shengchao oo degdeg uga soo jawaabay qoraalkaas, ayaa waxa uu Somaliland la barbardhigay "qoys gurigooda ku dhex-sameystay sohdin".

Waa in la ixtiraamaa xuduudaha qaran [leeyahay], laakiin haka dhigin [xuduud qaran leeyahay] dhigin waxyaabaha lagu qoslo iyo meel aanay jirin. Qoysaska caqliga saliimka leh sohdin kuma dhex-sameystaan guriyahooda," ayuu Shengchao uga jawaabay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland.

Shiinaha ayaa Taiwan waxa uu u aqoonsan yahay qayb kamid ah dhul-weynaha Shiinaha, halka Somaliland oo sheegata madax-banaani uu aduunka u arko maamul hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhoolatuska milatari ee xukuumadda Beijing ay ka sameysay Marinka Taiwan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii Mareykanka uu si heer sarre ah ku qaabilay madax ka socotay Taiwain oo Washington xulafo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM

Madaxwayne Cirro oo soo dhisay xukuumada cusub ee Somaliland

Golaha Wasiirada ayaa ka kooban 48 xubnood kuwaas oo badankood xubin ka ah xisbiga Wadani.

  • Somaliland

    14-12-2024

  • 12:54PM