Sidee u dhacday dhaarinta Gollaha Wasiirada Somaliland? [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Xubnaha cusub ee golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Munaasabada lagu dhaariyay xubnaha cusub e golaha wasiirada ayaa waxaa lagu qabtay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweynaha Somaliland Musa Biixi Cabdi ayaa xubnaha Golihiisa wasiirada ugu hambalyeeyay xilalka cusub ee loo dhaariyay isagoo sheegay in si dhawa uu ula shaqeyn doono xubnihiisa golaha wasiirada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaji Ali ayaa isna kula dar daarmay Wasiiradda in si cadaaladi ku jirto ay ugu shaqeeyaan bulshada Somaliland.

Gollahan wasiiradda ayaa xilalka la wareegaya xilli 8-dii bishan ay ciidamada maamulka Somalilad ay ku duuleen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay kala wareegeen ciidamadii Puntland ee ku sugnaa.

Qabsashada Tukaraq ee Somaliland waxay sababtay in xiisadii dhanka xuduuda ee Puntland iyo Somaliland ay dib usoo noqoto, iyadoo ay jirto casbi ku aadan in ciidamada labada maamulka uu dagaal ku dhexmaro gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM