Sidee u dhacday dhaarinta Gollaha Wasiirada Somaliland? [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Xubnaha cusub ee golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Munaasabada lagu dhaariyay xubnaha cusub e golaha wasiirada ayaa waxaa lagu qabtay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweynaha Somaliland Musa Biixi Cabdi ayaa xubnaha Golihiisa wasiirada ugu hambalyeeyay xilalka cusub ee loo dhaariyay isagoo sheegay in si dhawa uu ula shaqeyn doono xubnihiisa golaha wasiirada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaji Ali ayaa isna kula dar daarmay Wasiiradda in si cadaaladi ku jirto ay ugu shaqeeyaan bulshada Somaliland.

Gollahan wasiiradda ayaa xilalka la wareegaya xilli 8-dii bishan ay ciidamada maamulka Somalilad ay ku duuleen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay kala wareegeen ciidamadii Puntland ee ku sugnaa.

Qabsashada Tukaraq ee Somaliland waxay sababtay in xiisadii dhanka xuduuda ee Puntland iyo Somaliland ay dib usoo noqoto, iyadoo ay jirto casbi ku aadan in ciidamada labada maamulka uu dagaal ku dhexmaro gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM