Siilaanyo oo Madaxtooyada ku qaabilay 30 Dhalinyaro ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa magaalada Hargaysa gaar ahaan xarunta Madaxtooyada ku qaabilay dhalinyaro kusoo baxay Imtixaan dhawaan laga qaaday oo ay ku galeen magaalada Laas-caano xarunta gobolka Sool.

Dhalinyarada oo taradoodu gaarayso Soddon qof ayaa Imtixaanka u galay dowladda, waxayna keeneen darajooyinkii looga baahnaa si dowladdu u shaqaalaysiiso.

Kulanka ka dhacay Madaxtooyada Hargaysa ayaa ahaa soo dhaweyn iyo dhiiri-galin loo samaynayay dhalinyaradaas, taasoo ujeedkeedu xukuumaddu ku sheegtay in dowladdu taageerayso aqoonyahamiinta dalka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharmaake Axmed Maxamud, ayaa kulankaas ka sheegay in qorshahan uu yahay in dhalinyarada la dareensiiyo sida loo jecelyahay islamarkaana la tuso dareen ah inay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan si daacadnimo ah.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayaa dhankiisa aad usoo dhaweeyay tallaabada ay samaysay hay’adda Shaqaalaha Somaliland, wuxuuna dhalinyarada ugu baaqay inay dadaalkooda sii labo jibaaraan.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaad saaka ii timaadaan adinkoo ah guulaystayaashii Imtixaankii lagu qaaday magaalada Laas-caano, aad baan ugu faraxsanahay runtii, waxayna muujinaysaa sida hay’adda Shaqaalaha ee hormuudka u yahay Sharmaake ay uga go’antahay tayaynta shaqaalaha dowladda,” Ayuu yiri Siilaanyo.

Waa markii ugu horaysay imtixaan noocaan ah lagu qaado meel kabaxsan caasumadda Hargaysa, waxayna ahayd galinkii dambe ee shalay markii soo dhaweyn loogu sameeyay dhalinyaradaas duleedka caasumadda Somaliland ee Hargaysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM