Silaanyo oo qaatey waraaqdda diwaangalinta codbixita

Image
Image
Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxauud(Siilaanyo), ayaa si rasmi  ah iskaga diiwaangeliyey xarunta aqalka shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, waxana uu halkaas ka qaatay warqadda diiwaangelinta ee uu kaga qaybgeli doono doorashooyinka madaxtinimo iyo golaha wakiillada kuwasoo dhici doona horaanta sanadka 2017.

Madaxweyne Siilaanyo  oo ay wehelinayeen xubno tiro badan oo xukuumaddiisa ka tirsan, ayaa waraaqaha  diiwaangelinta qaatay, waxana hormood u noqdeen kumanaan shacab ah oo ku dhaqan gobolka Maroodi-jeex oo ay u bilaabantay diiwaangelintu. 

Madaxweynuhu xilligii uu warqadda diiwaangelinta qaadanayey ma jirin wax hadal ah oo uu goobtaas ka jeediyey, balse xubno wasiirradiisa katirsan, ayaa shacabka ugu baaqay inay si mug leh uga qayb qaataan diiwaangelinta, si ay fursad ugu helaan codaynta madaxweynaha iyo golaha wakiillada. 

Somaliland waxa muddo bil ah kadib dib uga bilaabantay diiwaangelinta codbixiyayayaasha oo  hore loo hakiyey, kadib markii ay abaaro baahsani gobollada qaar aafeeyeen. 

GAROWEONLINE, Hargeysa

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM