Somalia iyo Somliland oo Shir uga furmayo Ethiopia

Image

HARGEYSA, Somaliland - Shir ku saabsan arrimaha mamaulka hawada Somaliya ayaa lagu wadaa in dowladda Federaalka iyo mamaulka Somaliland uga furmayaa dhawaan dalka Ethiopia.

Wasiirka duulista hawada Somaliland, Farxaan Aadan Heybe, oo Wariyaasha kula hadlayay Garoonka Cigaal isagoo kusii jeeda Ethiopia ayaa sheegay in Kulanka diirada lagu saari doono maamulka Hawada.

"Aniga iyo wafdi ka socda Wasaaradda duulista waxaan wahadal rasmi oo maamulka hawada kula qaadan doonaa dalka Eithiopia wafdi wasiiro oo ka socda dowladda Somaliya," ayuu yiri Heybe.

Heybe ayaa rajo ka muujiyay in la isku fahmii doono wahadaladda Ethiopia ka dhacaya, oo ujeedkoodu yahay inay kasoo baxdo natiijo wax ku ool ah, oo labada dhinac si wadajir ah heshiis uga gaaraan arintan.

Wuxuu xusay in Somaliland ay rabto in hawada dalka si wadajir ah loo wada maamullo, oo cidna si gaar u noqon, isagoo intaasi ku daray in haddii taasii dhicii wayso ay maamulan doonaan hawadooda.

Dhanka Dowladda Federaalka Somaliya wali ma aysan shaacin inay dalka Ethiopia wadahadal ku saabsan arrimaha mamaulka hawada kula yeelanyso wafdi ka socda maamulka Somaliland.

Dowladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan maamulladii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa Somaliland wahadallo ku saabsan maamulka hawada dalka Turkiga, kuwaasi oo fashil ku dhamaaday.

Hay'adda Duulista rayidka QM ee ICAO ayaa lagu wadaa inay sanadka 2018 si rasmi ah ugu wareejiso Dowladda Federaalka Somaliya maamulka hawada dalka, kadib markii ay maamulaysay tan iyo 1993.

Wasaaradda Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka, ayaa dhawaan shaacisay inay lasoo wareegayso maamulka hawada, iyadoo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu rakibay qalabkii lagu maamuli lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM