Somaliland: 14 qof oo ku dhimatay shil gaari

Image

GABILAY- 14 ruux ayaa ku naf-waayay 9 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan oo qaybtood aad u liidato, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari nawaaxiga magaalada Gabiley ee galbeedka Caasimadda Hargeysa.

Baabuurta isku dhacday ayaa kala ahaa Noah iyo Landcruiser, waxaana shilkani keenay sida ay noo sheegeen dadka xog ogaal u ahaa dhacdadan, jiiro ama goolad gawaaridani xowli kusoo galeen.

Dadka dhintay ayaa u badnaa dhalinyaro, waxaana Noah-da oo badi lagu nafwaayay katimi caasumadda Somaliland iyadoo kusii jeeday Wajaale.

Dhaawacyada shilkan, ayaa loosoo daad gureeyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Arrintan, waxaa durba ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud "Siilaanyo", isagoo sheegay in falkani yahay wax aad looga naxo, wuxuuna tacsi u diray dhammaan qoysaskii iyo ehelkii dadkoodu ku naf-waayeen shilkaasi.

Somaliland  waxaa ku badan isku-dhacyada gawaarida, waxaana inta badan ku nafwaayo dad badan iyadoo arrinkaasi loo aaneeyay xowliga baabuurta iyo khibrad yaraanta darawallada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM