​Somaliland: Afar qof oo gaajo ugu geeriyootay Awdal

Image

BORAMA-Ugu yaraan afar qof oo carruur  iyo dad waayeel iskugu jira, ayaa macaluul iyo nafaqo darro ugu geeriyooday gobolka Awdal, sida madaxda gobolkaasi warbaahinta u xaqiijiyeen.

Dhimashada dadkan ayaa ka dhacday deegaanka Qolujeed ee dhinaca  Galbeed kaga beegan magaalada Borama, waxana  dhibaatadan salka ku haysaa abaar ba’an oo muddo dheer halkaas ka taagnayd.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inay caawimooyin dhinaca cuntada iyo daawooyinka ah gaadhsiin doonaan deegaananda dadkaasi ku geeriyoodeen, waxana uu baaq u direy xukuumadda iyo hay’adaha kale ee wax caawiya, isagoo ka codsaday inay gacan ka geystaan dhibaatada abaaraha ka dhalatay ee saamaynta ku yeelatay deegaankaas, isagoo iclaamiyey xaalad degdeg ah.

Dhibamashada dadkan Afarta ah, ayaa noqonaysa  tii ugu horraysay laga soo sheego deegaanada gobollada Galbeedka dalka oo abaaro ba’ani ka taagan yihiin, waxana xusid mudan in nafaqo-darro xooggan ku habsatay dadka iyo xoolaha halkaas ku nool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM