​Somaliland: Ciidan iyo Shacab Isku Dhacay Saaxil

Image

SHEEKH- Xaaladda magalada Sheekh ee gobolka Saaxil Somaliland ayaa dagan caawa kadib isu-soobax rabshado dhaliyay oo ka dhacay magalada, waxaan shacabka halkaas ku dhaqan ka biyo diideen dhul xukuumaddu ku wareejisay maalgashade Carbeed.

Khaasaaro kala duwan ayaa ka dhashay gadoodka shacabka saluugay qaabka dowladdu wax u bixisay, waxaana lagu soo waramayaa inay jiraan dhaawacyo fudud oo soo gaaray labada dhinac. 

Arrintan, wali kama hadlin Somaliland, balse waxaa magalada la geeyay ciidamo amniga xooojiyay kuwaas oo kabaxay dhinaca Bar-bera, waxaana laga cabsi qabaan in dibad-baxo sii socdaan maadama aysan jirin wax lagu qanciyay shacabka deegaankaas. 

Magalada Sheekh oo cimilo ahaan aad u wanaagsan ayaa soo jiidata indho dad badan oo shisheeye ah, kuwaas oo qaybtood codsadaan maalgalin inay ku sameeyaan, halka kuwa kale deegaan ahaan u dalbadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM