​Somaliland: Ciidan iyo Shacab Isku Dhacay Saaxil

Image

SHEEKH- Xaaladda magalada Sheekh ee gobolka Saaxil Somaliland ayaa dagan caawa kadib isu-soobax rabshado dhaliyay oo ka dhacay magalada, waxaan shacabka halkaas ku dhaqan ka biyo diideen dhul xukuumaddu ku wareejisay maalgashade Carbeed.

Khaasaaro kala duwan ayaa ka dhashay gadoodka shacabka saluugay qaabka dowladdu wax u bixisay, waxaana lagu soo waramayaa inay jiraan dhaawacyo fudud oo soo gaaray labada dhinac. 

Arrintan, wali kama hadlin Somaliland, balse waxaa magalada la geeyay ciidamo amniga xooojiyay kuwaas oo kabaxay dhinaca Bar-bera, waxaana laga cabsi qabaan in dibad-baxo sii socdaan maadama aysan jirin wax lagu qanciyay shacabka deegaankaas. 

Magalada Sheekh oo cimilo ahaan aad u wanaagsan ayaa soo jiidata indho dad badan oo shisheeye ah, kuwaas oo qaybtood codsadaan maalgalin inay ku sameeyaan, halka kuwa kale deegaan ahaan u dalbadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM