​Somaliland: Cumar Seerbiya oo helay Xorriyadiisa

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa dib xoriyadiisa u siiyay Wariye Cumar Seerbiya oo muddo saddex maalmood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargaysa, kadib markii la qabtay isagoo kasoo safray caasumadda Muqidishu.

Wariyahan oo ka howlgalyay warbaahinta Goob joog ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Cigaal, isagoo ay weheliso Xaaskiisa.

Seerbiya oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Muqdishu, waxaana xarigiisa loo aanaynayay inuu la xariiro booqashadii Xamar.

Mar uu maanta ka hadlay dareenkiisa, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay xorriyadiisa loo soo celiyay, isagoo u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay in lagasii daayo gacanta dowladda.

"Saddex maalmood ka dib waxaan ahay xor, Libaax nin Ganay iyo nin Galladayba wuu ogyahay! Ehelkayga iyo asxaabtii waqtiga ku bixisay xornimadayda waa mahadsanyihiin," Ayuu yiri Cumar.

Majirto faah faahin kasoo baxday taliska Booliiska iyo xukuumadda Somaliland oo ku aadan sababta loo xiray, balse tallaabadan ayaa daba socotay Xarig kala duwan oo dhowr jeer oo hore lagula kacay Shakhsiyaad booqday Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM