​Somaliland: Dablay weerartay goob codbixin gobolka Awdal

Image

Dablay hubaysan, ayaa  shalay 17 Febraayo, galinkii dambe weerar gaadmo ku qaadday goob ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland oo ku taalla tuulada Saba-wanaag ee degmada Lughaya gobolka Awdal, waxana falkaas ka dhashay khasaaro naf iyo maalba leh. 

Sida uu gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland  Eng. Cabdiqaadir Iimaan warbaahinta u sheegay, waxay dablaydaasi qaateen agabkii diiwaangelinta, iyagoo dhaawacyo gaarsiiyay shaqaalihii goobta ku sugnaa.

“Koox hubaysan ayaa goobta kusoo weeraray gaadiid iyo hub, waxana ay qaateen agabkii lagu shaqaynayey, waxana ay ku baxsadeen gaadiidkii  ay wateen, waana lagu daba jiraa,”Ayuu yiri guddoomiyaha komishanku. 

Dablayda, ayaa halkaas ku dhaawacday laba kamid ah ciidamada ammaanka, halka mid kamid ah dablaydana dhaawac loo geystay, iyadoo gacanta lagu dhigay tiro kamid ah kooxda goobtaasi weerartay. 

Wararka aan helayno, ayaa sheegaya in dablaydaasi saluugsan yihiin Sanduuqa goobtaas la geeyay, iyagoo ku andacoonaya in deegaankaasi hoos yimaaddo gobolka Maroodi-jeex Komishanka doorashooyinka, ayaa agab cusub oo doorasho goobtii mar kale dhigay, waxana  is-diiwaangelintu u socotaa si rasmi ah, iyadoo dowladdu gaysay ciidamo dheeraad ah. 

Waa markii ugu horraysay ee is-ka hor-imaad ka dhaco goob ay ka socotay is-diiwaangelinta codbixiyayaasha oo muddo bil iyo dheeraad ah ka hor laga bilaabay Somalilan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM