Somaliland: Dad iyo Danyeerro ku dagaallamay Awdal

Image

AWDAL- Xaaladda Abaareed ee ka taagan deegaanada Somaliland ayaa saamayn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolka Awdal, taasoo sababtay inay isfara saaraan duunyada qaybtood iyo dadka ku dhaqan gobolkaas. 

Magaalada Baki, waxay katirsantahay Awdal, waxaana ku yaalla Beero, wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in raxan Daanyeerro ah soo weerareen Beero deegaanka ku yaallay, waxaana ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dadkii beeralayda ahaa iyo Daanyeerrada, kadib markii ay dagallamayeen muddo ku siman todobo maalmood.

Ku xigeenka duqa magaalada Baki, Dayib Xasan Raage, oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in iska horimaadkan uu dhaawac ka soo gaadhay qaar ka mid ah dadka, islamarkaana lagu laayay tiro daanyeerro ah. 

Arrintan, ayaa keentay baahida iyo macaluusha ka taagan gobolka, waxaana Daanyeerrada oo lagu qiyaasay 2,000, doonayeen inay cunno ka daydaan beeraha, balse ka hor istaagay beeralay u badnaa dhalinyaro.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay, bakhtiga daanyeerrada oo qaybtood lagu dilay dhagxaan iyo dhalinyaro badan oo ku hubaysan ulo, qoryaha fud-fudud, kuwaas oo difaac kaga jiray beeraha agtooda. 

Xaaladdan, ayaa muujinaysa xaddiga uu le'egyahay baahida haysata xawayaanka duur-joogta, kuwaas oo aan haysan cid xaaladooda si gooni ah ula socota marka laga hadlayo dalka Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM