Somaliland: Diwaangalin ka bilaabatey gobolka Awdal

Image

HARGEYSA, Somaliland- Gobolka Awdal ayaa saaka waxaa ka bilowdey diwaan galinta codbixiyaasha doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Somaliland sanadka 2017.

Diwaan galintaan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya shaqaale farabadan oo ay hurmuud ka yihiin ardeyda Jaamacada Camuud iyo gaawri gaareysa 300 kuwasoo ka shaqeynaya dhamaan degmooyinka gobolkaas ka kooban yahay.

Xisbiyda ku tartamaya doorashada madaxtimino ee Somaliland ayaa madaxdooda ku sugan tahay goobaha diwaan galinta ka socoto kuwasoo kawada ololahooda doorasho.

Madaxda xisbiyada gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga talada haya Muuse Biixi ayaa kamid ah siyaasiyiinta ku sugan gobolka Awdal kuwasoo kulamo la qaadanaya hogaamiyaasha buslhada halkaas ku sugan.

Diwaanglintii kowaad ee doorashooyinka Somaliland ayaa bilaabtey gobolka Togdheer iyadoo halkaas dadweynaha dagan si buuxda uga ka qayb qaateen.

Doorashooyinka madaxweynaha iyo wakiilada Barlamanka ayaa la filayaa iney ka dhacdo Somailand sanadka 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM