Somaliland: Fanaanad caan ah oo ku geeriyootay Hargeysa

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Waxaa saaka oo Arbaco ah magaalada Hargeysa, ee xarunta maamulka Somaliland ku geeriyootey Fanaanada caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac.

Allah ha u naxariistee Sahra Axmed Jaamac ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanaysay Isbitaal ku yaalla Hargeysa, xanuunkaasi oo ugu dambeyntii maanta u geeriyootay, sida ay xaqiijiyay qoyskeeda.

Sahra oo kamid ahayd Fanaaniinta kuwa loogu jecel yahay fankooda ayaa kamid noqotay Hoboladii qaranka [Kooxda Waaberi], waxaana ay qaadey heeso isagu jecel iyo qaraami, oo usoo dheer ruwaayado, kuwaasi oo dadka ay ku xasuusan doonaan.

Fanka waxay ku soo biirtay sanadkii 1968 mudo hadda laga joogo 50 sanno, iyadoo aad u da'yar waxayna Taariikhda Fanka Soomaaliyeed ka gashay meel wanaagsan.

Bishii December, 2017, Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo lagu tilmaamay hooyadii Fanka Soomaaliyeed, ayaa ku dhimatay magaalada Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM