Somaliland: Fanaanad caan ah oo ku geeriyootay Hargeysa

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Waxaa saaka oo Arbaco ah magaalada Hargeysa, ee xarunta maamulka Somaliland ku geeriyootey Fanaanada caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac.

Allah ha u naxariistee Sahra Axmed Jaamac ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanaysay Isbitaal ku yaalla Hargeysa, xanuunkaasi oo ugu dambeyntii maanta u geeriyootay, sida ay xaqiijiyay qoyskeeda.

Sahra oo kamid ahayd Fanaaniinta kuwa loogu jecel yahay fankooda ayaa kamid noqotay Hoboladii qaranka [Kooxda Waaberi], waxaana ay qaadey heeso isagu jecel iyo qaraami, oo usoo dheer ruwaayado, kuwaasi oo dadka ay ku xasuusan doonaan.

Fanka waxay ku soo biirtay sanadkii 1968 mudo hadda laga joogo 50 sanno, iyadoo aad u da'yar waxayna Taariikhda Fanka Soomaaliyeed ka gashay meel wanaagsan.

Bishii December, 2017, Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo lagu tilmaamay hooyadii Fanka Soomaaliyeed, ayaa ku dhimatay magaalada Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM