Somaliland: Guduudo Carwo oo ku geeriyootay Hargaysa

Image

HARGAYSA, Somaliland- ALLAH ha u naxariistee waxaa magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland ku geeriyootay gabadhii ugu horaysay ee ku heesta Afka Soomaaliga, Shamis Abokor Ismaaciil.

Guduudo oo goor hore fanka ka fariisatay islamarkaana sheegtay inay ka toobad keentay ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayd magaalada Hargaysa.

AHN Guddoodo Carwo oo muddooyinkii dambe xaga Cibaadada ku mashquulsanayd ayaa ku dhimatay da’da 80-aadka.

Geerideeda waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah ehelkeeda kuwaasoo sheegay in marxuumaddu muddo ku jirtay Cisbitaal.

November, 2016 mar ay la hadlaysay Abwaano booqday waxay sheegtay in xanuunkan uu hayo 19 sano, waxayna isla xilligaas tilmaamtay inay aad ugu faraxsantahay xanuunka uu EEBBE siiyay, iyadoo fannaaniinta kale ugu baaqday inaysan isku ilaawin.

Isla xilligaas waxay aad ula dar-daarantahay shacabka Soomaaliyeed oo ay ka codsatay inay isu soo dhawaadaan halka ay EEBBE ka bariday inuu ka dulqaado cudurka Qabyaaladda la yiraahdo ee dadkan isku diinta, dalka iyo dhaqanka ah kala fogeeyay.

Shamis ayaa sida taariikhdu sheegayso waxay ahayd gabadhii ugu horaysay ee fanka soo gasha iyadoo taariikhdu markii ay ahayd 1953-dii qaaday heesteedii ugu horaysay oo lagu magacaabi jiray Heello.

Dad yar oo kooban ayaa ka haray fannaaniintii hore ee Soomaalida kuwaasoo midba taariikh gooni ah lagu xasuusto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM