Somaliland: Guriga wadaad duray heshiiskii Itoobiya oo loo daatay

Image
Sheekh Mustafe Cumar ayaa waxa uu kamid culimada dhalinyarada ah ee magaaladda Hargeysa.

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada maamulka Somaliland ayaa weeraray Sheekh Mustafe Cumar oo kamid culimada dhalinyarada ah ee magaaladda Hargeysa, sidda ay wararku sheegayaan.

Sheekh Mustafe ayaa, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo dadka degaanka, waxa uu ka baxsadey hoygiisa kadib markii uu ka war helay in ay duulaan kusoo yihiin ciidamo hubeysan.

"Wadaadkan waxa loo haysta in uu shacabka ugu baaqay inay kasoo horjeestaan damaca Itoobiya ay ku doonayso qayb kamid ah Badda Soomaaliya," ayuu yiri wariye xog-ogaal ah.

Khudbad uu Jimcihii ka jeediyay masjid Hargeysa ku yaal ayaa ciwaankeedu ahaa "Hiilka aan siinayno baddeena waa cibaado aynu illaahay ugu dhowaanayno..."

Sheikh Mustafe ayaa horey waxa uu uga hadlay kala qaybsanaanta, gooni u goosadka iyo qabyaalada waxaana si weyn loogu xasuusta in uu kasoo horjeestay xasuuqii Laascanood.

Somaliland ayaa waxa ay kula heshiisay Itoobiya in ay muddo 50-sano ah ka kireyso saldhig ciidan badeed. Hase ahaatee, waxaa heshiiskaas baabi'iyey baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM