Somaliland: Mas'uuliyiin sarre oo shaqadda ka tegay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Laba kamid ah mas'uuliyiinta aadka ugu dhow madaxweynaha maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqeen in ay is-casileen.

Mas'uuliyiinta shaqada ka tagtey ayaa kala ah; Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo hayey xilka wasiirka arrimaha dibadda, iyo Maxamuud Warsame Jaamac, oo ku magacaabanaa xilka afhayeenka amdaxwayne Muuse Biixi.

Sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga, Faratoon iyo Jaamac ayaa isu-casilay si ay ugu ordain xubnimadda Golaha Wakiiladda Somaliland.

"Faratoon waxaa la filayaa in berri uu iska diiwaan-geliyo xarunta dhexe ee xisbiga taladda haya ee Kulmiye, halka Jaamac isagana uu musharaxnimadiisa ku dhawaaqi doono," ayuu sheegeen illo ku dhow labadda dhinac.

Guddiga doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka Somaliland ayaa todobaadkan soo rogay xeer ku saabsan in shaqaalaha iyo mas'uuliyiinta xilka haya ay waajib tahay in ay is-casilaan musharaxinimadooda.

Doorashooyinkan oo dib-u-dhac ku yimid lix jeer lixdii sano ee lasoo dhaafay ayaa qorshuhu yahay in ay qabsoomaan 31-da bisha May, 2021-ka.

Ololaha ay xubnaha saddexda xisbi ee ka jira Somaliland oo kala ah; Kulmiye, Waddani iy Ucid ugu jiraan in ay hantaan kuraasta ugu badan ee baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka ayaa aad looga dareemaya magaalooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM