Somaliland “Nama khuseeyo Shirka London”

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shir maalinta Khamiista lagu wado inuu ka furmo magaalada London ee carriga Ingiriiska kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan oo khuseeya dalka Somalia.

Madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa u dhoofay London, si ay shirkaas uga qayb galaan.

Balse, maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’a Somalia inteeda kale ayaa ganafka ku dhuftay shirkaas, waxayna qireen inaysan khusayn waxyaabaha kasoo baxa.

Wasiirka wasaaradda Arrimaah Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in shirkaas uu yahay mid ay leedahay Somalia oo qura, islamarkaana wixii kasoo baxa uusan taaban doonin arrimaha Somaliland.

Wuxuu sheegay inay yihiin dal madax bannaan, islamarkaana aan lagu casuumin shirka Lonodon.

Isagoo sii hadlay Sacad ayaa sheegay in shirkaas Somalia oo kaliya uu khuseeyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli maamulkaas uusan inta badan ka qayb galin shirarka Somalida maadama uu iskiis gooni isugu taagay, walow uusan helin aqoonsi caalami ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM