Somaliland oo baabi'isay heshiis ay la gashay Imaaraadka Carabta

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu maamulkiisu ka noqdey heshiiskii Imaaraadka saldhiga milatari looga dhisi lahaa Berbera.

Biixi oo Sabtida maanta ah u waramay war-fidiyeenka ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in loo rogi doono Shibil, oo ah madaar rayid, kaasi oo noqonaya mid kamid ah kuwa ugu weyn gobolka.

Shirkadda hirgelineysa masharuucaasi iyo qalabka ayaa todobaadkan gaari doona magaaladaas dekadda leh, sidda laga soo xigtay Biixi, oo aan kala caddeyn sababta keentay in ay laalaan heshiiskii hore.

"Wuxuu noqonayaa midka ugu balaaran…waa 5 KM oo dhinac walba u balaaran oo cusub…marka qalabkiisa lagu daro wayna ku talo galeynaa in uu noqdo garoon dekada ka shaqo badan," ayuu yiri.

Xukuumadda Abu Dubai iyo maamulka Hargeysa ayaa horey u kala saxiixdey heshiis lagu dhisayo dekad iyo saldhig milatari, kuwaasi oo laga hirgelinayo magaaladda Berbera.

Warar hoose ayaa waxay tibaaxayan in mas’uuliyiinta Somaliland ay ka fekerayaa in ay ka laabtaan heshiiska dekadda.

Dekadda Berbera ayaa suuqdeeda ugu weyn wuxuu yahay Itoobiya, dalkaasi wuxuu u wareegsanayaa marsadda Eritrea kadib markii labada dowladood ay dib boorka uga jafeen xiriirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM