Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka
Hargeysa – Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in dib u eegis lagu sameeyo go’aankii ay ku qaaday cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in hubkaas hadda lagu qalabeeyo kooxo ka hawlgala deegaanno ay Somaliland sheegato, taasoo khatar gelinaysa xasilloonida gobolka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali (Ayaanle), oo shir jaraa’id qabtay kadib kulan golaha wasiirrada Sabtidii, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay hub siineyso maamulka cusub ee laga dhisay magaalada Laascaanood, kaasoo abuuray xiisad colaadeed.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ugu dhawaaqday dhismaha maamul cusub oo la yiraahdo "Dowlad-Goboleedka Waqooyiga Bari ee Soomaaliya",.
Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah, waxay sheegtay in tallaabada cusub ee dowladda federaalku tahay mid si bareer ah ugu xadgudbeysa dhulkeeda.
Wasiir Ayaanle ayaa sidoo kale ka digay in hubka ay beesha caalamku siiso dowladda Soomaaliya uu si sahlan ugu dhici karo gacmaha Al-Shabaab, taasoo khatar ballaaran ku ah gobolka Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan.
Dhanka kale, Puntland ayaa isna si adag uga hor timid dhismaha maamulkaa cusub, iyadoo ku tilmaantay faragelin iyo duulaan dowladda Soomaaliya kusoo qaadey midnimada iyo wajadirka Puntland.
Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateynta hubka ee saarnayd Soomaaliya ka qaaday bishii Diseembar 2023, iyadoo sabab uga dhigtay horumarka laga gaaray dhismaha dowladnimada iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, dhaleeceyn badan ayaa ka imaaneysa dhinacyo kala duwan oo ka cabsi qaba in hubkaas uu sii huriyo colaadaha jira, islamarkaana uu gacanta ugu dhaco kooxo hubeysan oo aan dowladeed ahayn.
GAROWE ONLINE