Somaliland oo Digniin u dirtay Puntland iyo DFS [Daawo]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay colaadda kasoo cusboonaatey gobolka Sool iyo qabsashada deegaanka Tukaraq oo 8-dii bishan ay ciidamada maamulkiisa la wareegeen.

Kaahin oo Shir jaraa’id ku qabtey Hargeysa ayuu ka sheegay in Puntland iyo dowladda Federaalka ah Soomaaliya ay faragelin ku hayaan deegaanada Somaliland, kadib markii uu Wasiirka qorsheynta uu booqday Sool iyo Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay nabad kula noolaato deriskeeda, islamarkaana aysan doonaynin inay weerarto meel ka baxsan xuduuda ay la wadaagto Puntland.

Mar uu ka hadlayay xaaladda Tukaraq, waxa uu sheegay in magaaladaasi ay kamid tahay dhulka Somaliland, sidoo kalena ay ciidamadooda halkaasi u tagaan inay kahor tagaan faragelinta lagu hayo.

Maxamed Kaahin ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” inuu abuurayo xaalad colaadeed iyo dagaal ka dhaca gobolka Sool, oo hadda xiisad ay ka taagan tahay.

Wasiirka ayaa xusay in Ciidamo laga keenay gobollada Puntland la duldhigay Tukaraq, oo 70KM u jirta Garoowe kadib markii Todobaadkii tagey ay halkaasi ay qabsadeen ciidamada maamulka Somaliland.

Midowga Africa, Mareykanka iyo dowladaha Deriska ayuu ku waregliyay in Somaliland aysan mas’uul ka noqon doonin cawaaqibka ka dhasha duulaan lagu soo qaado deegaanadeeda.

Michael Keating, Ergayga QM ee Somalia ayuu sheegay in markii uu tagey Hargeysa la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Gollaha Wasiiradda, iyadoo kawada hadleen xiisada Tukaraq.

Keating ayaa ku baaqay in xiisada la dejiyo sidoo kalena lagu dhameeyo khilaafka taagan wadahadal iyo qaab nabadeed, si aaney u dhicin dagaal cusub oo sababa burbur iyo bakarac gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM