Somaliland oo eriday mas'uul lagu eedeeyay 'faafinta Diinta Masiixiga'

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Mas'uul sarre kana tirsanaa Wasaaradda Waxbarashadda maamulka Somaliland ayaa lagu waramay in xilka looga qaadey eedeymo la xiriira faafinta Diinta Masiixiyiinta ama Kirishtaanka.

Cabdullaahi Yaasiin Diiriye, agaasimihii waaxda Manaahiijta maamulka Hargeysa, ayaa la sheegay in uu dhaqan-geliyey casharo ka hor-imaanaya Diinta suuban ee Islaamka kuna faray iskuulada in ay dhigaan.

Sidda ay tibaaxayaan xogaha, Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye [Toorno], ayaa shaqada ka racdeeyay Mr Diiriye kadib cabasho kaga timid maamuleyaasha dugsiyadda maxaliga.

Mr Toronto oo aan laga hayn xaqiijin rasmiya ayaa la wariyey in uu balanqaadey maxkamadeynta Diiriye kaasoo in ka badan 25-sano ahaa Agaasimaha Waaxdaas.

Sheegashooyinka gaaleysiinta dadka ayaanan ku cusbeen degaanada maamulka Somaliland oo magaalooyin ay kamid tahay caasimadda Hargeysa ay ku yaalaan Kaniisado qarsoodi ah.

Todobaadyo kahor, wasaaradda arrimaha dibadda maamulkaas ayaa laga soo xigtay in ay xiriir la sameynayaan Yahuuda si ay u helaan aqoonsiga ay goobayaan tan iyo gooni u goosashadooda 1991-dii.

Cabdimaalik Muuse Coldoon, wariye baahiya sheekooyinka samafalka, ayaa saddex sano loogu xukumay eedeymo uu u jeediyey Dugsiga Abaarso oo ahaa in lagu dhex-faafiyo Diinta Kirishtaanka.

Inkasta oo xeer-beegtada aysan dacwadaas si furan u soo bandhigin, haddana warbixinada waxay tibaaxayaan in mid kamid ah sababihii xorriyadda looga qaadey ay kamid ahaayeen dhaliishiisa Abaarso.

Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa kaliya dibadda u soo saartey dacwado la xiriira in Coldoon uu ku kacay "falal liddi ku ah qadiyadda Somaliland," eedeyntaas oo ay gaashaanka ku dhufteen qareenada saxafiga.

Coldoon ayaa lasii daayey bishii June markii cafis uu u fidiyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dugsiga Abaarso waxaa dhigta dhalinta Qurba-joogta, waxaana wax ka dhiga Macalimiin Ajaaniib ah.

Sikastaba ha ahaatee, hadii agaasime Diiriye ay ku cadaato dambiga ah in uu faafinayey Diinta Kirishtaanka waxay tooshka ku ifineysaa khatar weyn taasoo xoojin doonta shakiga iyo walaaca bulshada dhexdeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM