​Somaliland oo hakisay qaxooti ka imaanaya Yemen

Image

BERBERA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa hakiyay qaxooti Somali iyo Ajnabi isugu jira oo kasoo kicitimay waddanka Yemen, kuwaasoo soo gaaray dekedda Berbera ee gobolka Saaxil.

Warar kala duwan, ayaa kasoo baxay is-hortaagga lagu sameeyay muhaajiriinta kasoo cararaysa colaadaha ka taagan deegaanada dalkaasi Yemen.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa warbaahinta u sheegay in go'aankan ay gaartay xukuumadda Somaliland islamarkaana uu la xiriiro arrimo caafimaad, gaar ahaan cudurro laga baqayo inay dadkaasi faafiyaan.

“Sababtu waxa weeye, dalka Yemen waxaa ka dilaacay xanuunka daacuunka ama shuban biyoodka dadka ku dhaca, sidaa awgeed ayaanu u joojinay qaxoontiga si ku umeel gaadha illa inta xal u helayno xanuunka Shuban biyoodka,”Ayuu yidhi Jaamac Yuusuf.

Wuxuu intaas ku daray in go'aankan aysan qaadan kaligood, balse ay ku weheliso dowladda Jabuti oo horay u marti galisay qaxooti Somali iyo Ajnabi isugu jira oo kasoo qaxay dagaalka kasocda dalka Yemen.

"Go’aankan waxa kale oo gaartay wadanka Jabuuti, ka dib markii xanuunkaasi ka dilaacay dalka Yemen, islamarkaana wakhti xaadirkan ay ku hawlan yihiin sidii ay xal u heli lahaayeen arrinta, waxana maamulka gobolka Saaxil si wada jir xal u raadinta xanuunka oo ay kawada shaqeynayaan wasaaradaha caafimaadka iyo sidoo kale hay’daha caalaamiga ah,” Ayuu hadalkiisa kusii daray Barasaabka gobolka Saaxil ee maamulka Somaliland.

Maamulka gobolkaas, ayaa sidoo kale muddo kooban dekedda ku hakiyay doon siday 40 qof oo dalkaas katimid, waxaana wada hadal dheer kadib loo ogolaaday inay qaxootiga lasoo dajiyo, halka xabsiga la dhigay wadihii doonta.

Sababta loo xiray, ayaa Barasaabka gobolku ku sheegay inay tahay ruqsadda oo ka dhacsanayd doonta uu watay.

Dalka Yemen, ayaa wali waxaa kasocda barakac xoog leh, maadama ay wali ku haradamayaa dowladda oo ay la jiraan isbahaysiga Sucuudigu horkacayo iyo kooxaha Xuutiyiinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM

Madaxwayne Cirro oo soo dhisay xukuumada cusub ee Somaliland

Golaha Wasiirada ayaa ka kooban 48 xubnood kuwaas oo badankood xubin ka ah xisbiga Wadani.

  • Somaliland

    14-12-2024

  • 12:54PM