Somaliland oo hanjabaad u dirtay Ergada Muqdishu ku sugan

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland, ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin xeerkoodii hore ee ay kula macaamili jireen xubnaha ay u arkaan inuu ku dhex jiro Siyaasadda Somalia, waxayna hadda si toos ah fariin ugu direen xubnaha wax dooranaya ee ku sugan magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Wasiiru dowlaha amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Max’ed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Muqdishu ku sugan ee doorashada Soomaaliya ka qeybgalaya aysan matalin sidaa darteedna yihiin shakhsiyaad dalka dibaddiisa u shaqo tagay.

Diiriye, ayaa xusay in Somaliland waxba ka galin doorashooyinka socda, wuxuu cadeeyay inaysan ogayn odoyaal dhaqameed ka tagay Hargaysa kuwaasoo wax kusoo dooranaya magaalada Muqdishu, wuxuuna ugu goodiyay inay xasbiga dhigi doonaan dhammaan cid kasta oo doorashadaas ka qayb qaadata.

Hanjabaadan ayaa timid xilli maamulkaas uu sheegto inuu ka goostay Somalia inteeda kale islmarkaana ay yihiin waddan madax bannaan oo Somaliland la yiraahdo.

Balse, wali ma aysan helin aqoonsi caalami ah tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM