Somaliland oo joojisay diiwaan-gelinta Iskuuladda gaarka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa shaacisay inay ka mamnuucday degeenadeeda furitaanka Iskuullada cusub ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cismaan Jaamac Aadan ayaa ku sheegay war-saxaafadeed in wasaaraddu aysan sii wadi doonin ruqsadaha siinta Iskuullada aan dowladda maamulin.

Wasiirka ayaa faray dhamaan hay'addaha dowladda ee khuseeya go'aankan inay ka caawiyaan wasaaradda in ay hirgeliso amarkan.

Wasaaradda Waxbarashada waxaa loo xil-saarey in ay la socoto tayada waxbarashada Somaliland iyada oo loo marayo sharciga cusub ee waxbarashada ee 77/2018," ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ka go'an tahay hagaajinta waxbarashada Somaliland.

Ma uusan sheegin Cismaan sababta ka dambeysa tallaabadan.

"Wasaaraddu waxay soo bandhigaysaa baahida loo qabo in la hagaajiyo tayada waxbarashada ee dalka, isla markaana la ogaado yaraanta xarumaha waxbarashada, waxaana lagu amrayaa dhammaan mas'uuliyiinta waxbarashada gobollada in ay hubiyaan in amarkan la fuliyay," ayuu yiri wasiirka.

Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go'aday Soomaaliya 1990-kii, balse wali ma helin wax aqoonsi caalami ah, inkasoo nabadda iyo xasillooni ay ku naalooneysay 28-kii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM