Somaliland oo karan-tiil gelisay shaqsiyaad lagu tuhmayo Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – In ka badan toban qof oo lagu tuhmayo Coronavirus ayaa laga qabtay madaarka diyaaradaha Hargeysa, sidda ay warbaahinta kasoo xigatay mas'uul ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee Wasaaradda, ayaa sheegay in dadka ay baarayaan ay tiradoodu tahay 16 illaa iyo 17 ruux.

Sidda uu ka dhawaajiyey Xergeeye, oo xubin ka ah Guddiga ka hortagga caabuqaas, ma jiro qof wali la hubo in uu la nool yahay cudurka.

Dhamaan shaqsiyaadkaas, sidda ay wararku qeexayaan, ayaa shalay lagu hakiyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Mr Xergeeye ayaa daboolka ka qaadey in dadkaas ay geyn doonan goob ay u diyaariyeen lagu karan-tiilo bukaanada.

"Sidda caadada waxay halkaas ku jiri doonan muddo 14 maalmood ah oo baaritaan ah, hadii aysan kasoo bixin astaamaha fayruska waa la fasaxi doonaa," ayuu lagu waramay in uu yiri Dr Maxamed Cabdi Xergeeye.

Dedaalada ka hortagga caabuqaas ayuu caddeeyay in ay sii laba-jibaari doonan, isagoo rajeeyay in cudurka uusan soo gaarin Somaliland.

Balse wuxuu ka gaabsaday in uu carabaabo wadamada ay ka yimaadeen, inkastoo ay jiraan macluumaadyo la xiriirinaya dalal uu kamid yahay Mareykanka, kaasoo si ba'an uu u saameeyay cudurkaas dilaaga ah.

Guud ahaan Soomaaliya, illaa iyo haatan waxaa laga xaqiijiyey hal kiis oo COVID-19 ah. Muwaadin ka yimid dalweynaha Shiinaha ayaa laga helay kaasoo haatan ay xaaladiisa la tacaaleyso Wasaaradda Caafimaadka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM