Somaliland oo xoojisay talaabooyinka ay kaga hortageyso Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddiga ka hortaga faafitaanka Coronavirus ee Somaliland ayaa Axada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay laba go'aan oo la xiriira xakameynta caabuqaas dilaaga ah.

Go'aanka koowaad ayaa wuxuu yahay in ay joojiyeen duulimaadyadda kaga yimaada dalalka qaaradda Yurub iyo waqoyga Ameerika.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed, talaabada labaad waxay tahay in diyaaradaha la faray in aysan rakaab ka soo qaadi karin dhinacyaddaas.

Qodobadaan ayaa kasoo baxay kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga oo uu shir-gudoomiyey madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici, ahna guddoomiyaha guddigaas.

Somaliland ayaa u muuqaneysa in ay adkeysay talaabooyinka ay kaga hortageyso cudurkaas illaa iyo haatan dilay 30-kun oo ruux.

Degaanada maamulkaas gooni u goosadka ah ayaanan wali laga soo sheegin wax kiis ah, wallow ay jiraan shaqsiyaad la baarayo.

Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ayaa dadka laga shakiyey dejisay huteelo, maadaama aysan wali diyaarin goobaha karan-tiilka. Xaqiiqada jirta waxay tahay in dadku iska bixinayaan qarashka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo xaqiijisay saddex kiis oo laga helay Muqdisho ayaa waxay qalab caafimaad oo looga hortagayo Covid-19 u diray dowlad goboleedyadda iyo Somaliland.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM