Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Image
Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay ka go’an tahay inay dib u soo ceshadaan gobolka Sool oo ay ku jirto magaalada muhiimka ah ee Laascaanood oo ay ka qabsadeen ciidamo deegaanka ah oo ay taageerayaan Puntland.

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn oo dhacday bishii Agoosto 2023, taasoo keentay in ciidamada Somaliland ee gooni-goosadka ah laga saaray inta badan gobolka Sool oo ay ku jirto magaalo-madaxda Laascaanood.

Taliye Nuux Ismaaciil Taani oo ah hogaanka Milatariga Somaliland ayaa ku nuux-nuux saday diyaar garowga iyo cududda ciidamadooda, inkastoo muddooyinkii dambe ay dib u dhacyo ku yimaadeen.

"Ciidankeena, oo naftooda u hura dalkeena, wuxuu sii haysanayaa awoodiisa iyo adkeysigiisa," Tani ayaa u sheegtay warbaahinta dowladda. Waxa uu shacabka Somaliland u xaqiijiyay in ciidamadu ay ku soo wajahan yihiin marxalad adag oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaanada maqan.

Iyadoo ay xiisadaasi taagan tahay ayaa madaxda deegaanka SSC-Khaatumo ay dhisteen maamul ka madax banaan oo hadda ay dowladda Soomaaliya u aqoonsatay maamul KMG ah.

SSC Khaatumo waxay doonaysaa inay maamulkeeda ku baahiso gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo doonaysa inay si buuxda uga mid noqoto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxay weli sii wadaa sheegashada gobolka Sool, iyadoo sare u qaadaysa tababbarka ciidamada si ay uga hortagto guuldarrooyinka ciidamada ee dhowaan soo gaaray ayna dib u hanato gacan-ku-haynta goboladan la isku dhaho SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM