Somaliland oo musaafurisay Ugaarsato kadib ganaax lacageed

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa waxay musaafurisay sagaalkii Ugaarsato ee u dhalatay Imaaraadka, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Musaafurintooda ayaa ka dambeysay markii ay bixiyaan lacago ganaax ah ayna dhameysteen maalmo ay xabsi ku qaateen.

Sidda ay wararku tibaaxayaan, sagaalka Ugaarsato ayaa waxay bixiyeen tobban kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa waxaa looga qaadey in ay jibiyaan sharciga Duurjoogto ee maamulka Hargeysa ayna ku lug-yeesheen Ugaarsi sharci darro ah.

Sawirro ay warbaahinta heshay ayaa muujiyey shaqsiyaadkan qaar kamid ah oo u gaarsanaya xayawaanka lagu magacaabo Deer.

Bishaan November 6-deeda 2019 ayay ahayd markii laamaha ammaanka ay sagaalkan ruux ka xireen garoonka diyaaradaha Hargeysa xili ay dhoof rabeen.

Mas'uuliyiinta Duurjoogtada Somaliland oo xaqiijiyey in raggan oo waddankoodii hooyo lagu celiyay ayaa tibaaxay in xogtooda ay u soo gudbiyeen shacabka.

Somaliland oo sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya balse aan helin aqoonsi caalami ah ayaa kamid ah meelaha ay ka jiraan Ugaarsiga sharci darada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM