Somaliland oo qaadey xayiraadihii loosoo rogay ka hortagga Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa wuxuu Talaadada maanta ah qaaday dhamaan xayiraadihii uu usoo rogay xakameynta safmareenka faafa ee Coronavirus.

Cabdiraxmaan Saylici, madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo u waramay warbaahinta, ayaa xusay in go'aankan uu dhaqan-geli doono 30-ka bishaan June ee sanadka 2020-ka.

Sidda laga soo xigtay Saylici, xayiraadaha la qaadey ayaa quseeya; duulimaadyada, Waxbarashada, Ciyaaraha dhalinyarada iyo huteelada waaweyn, iyaddoo dadku ay haatan tagi karaa.

"Laakiinse qof kasta oo kasoo degaya garoomada Somaliland waxaa shardi ah in uu wato warqad caddeyneysa in uusan qabin Covid-19 si loogu ogolaado in uu magaalooyinka u gudbo," ayuu xusay.

Saylici ayaa ah gudoomiyaha guddiga xukuumadda Somaliland u qaabilsan xakameynta caabuqaan asal ahaan kasoo bilowday bartamaha China.

Go'aankaan ayaa kusoo aadaya xilli maamulka uusan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin in degaanadiisa laga ciribtiray cudurka isla markaana kiisaska ay yihiin kuwa si maalinle ah loo helo.

Xaaladaha xanuunka ee laga xaqiijiyey degaanada Somaliland ayaa illaa iyo haatan maraya 663, dhimashadda waa 28, bogsashadana waxay sii cagacageyneysaa 147, sidda ku cad xogtii u dambeysay.

BAYAANKA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM