Somaliland oo qabatay "shabakad Al-Shabaab ka timid Jilib"

Image
Eedeysaneyaasha ayaa la sheegay in ay ku jiraan haween "xaasas u ah amiiro Al-Shabaab ah".

HARGEYSA, Somaliland - Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Somaliland ayaa ku dhawaaqdey qabashadda "shabakad Al-Shabaab ah oo kasoo safartey magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubada Dhexe".

War qoraal ah oo lagu daabacay ciwaanka X (Twitter) ee National Intelligence Agency (Somaliland) NIA ayaa lagu xusay xubnahan ay ku jiraan labo haween oo "xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah".

Bayaanka kooban ayaa sidoo kale waxaa lasoo raaciyay sawirradda eedeysaneyaashan kuwaas oo wajiyadooda la qariyay lana soo bandhigay oo kaliya qeybta dambe ee madaxooda.

"Hay’adda NIA oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka ayaa qabatay koox ka kooban 7-qof 5 nin iyo 2 dumar oo ka tirsan Ururka Alshabaab," ayaa lagu bilabaay war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Kooxdan ayaa ka soo safray degaanka Jilib ee koonfurta Soomaaliya, labada dumarka ah ayaa xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah".

"Shabakadan ayaa ka kooban 27 qof, waxana lagu raad joogaa 20 kii kale," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah iyadda oo aan wax fahfaahin ah laga bixiyay shaqsiyaadka kale ee la raadinayo.

Warkan kasoo yeeray Somaliland ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo ay taagan tahay xiisad xooggan taasoo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya lana xiriirta heshiis lala galay maamulka Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM