Somaliland oo qabatey haweeney "aflagaadeysay" ALLE

Image
Taliska Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay si degdeg maxkamad u horgayn doonan haweeneydan.

HARGEYSA, Somaliland - Booliska maamulka Somaliland ayaa Sabtida maanta ah waxa uu sheegay in uu qabtay haweeney aflagaadeysay ALLE.

War qoraal ah oo kasoo baxay booliska ayaa lagu caddeeyay in haweeneydan si degdeg ah loo horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh.

"Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay ka fogaadaan arrimaha noocaasa ee kasoo horjeeda Islaamnimada iyo Diinteenna suubban," ayaa la raaciyay bayaanka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ciidanka Booliska [Somaliland] ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.

Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu inantaasi kusoo qabtay, isagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ee ciidanku u xilsaaran yahay, Waxaanan degdeg u horgeyn doonnaa Sharciga haddii eebbo idmo.

Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay ka fogaadaan arrimaha noocaasa ee kasoo horjeeda Islaamnimada iyo Diinteenna suubban.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM