Somaliland oo saluugtey qaabkii loogu soo dhoweeyey Silaanyo Djibouti

Image

HARGEYSA-Xukuumadda Somaliland, ayaa saluug ba’an ka muujisay hannaankii madaxweyne Siilaanyo loogu qaabilay dalka Djibouti oo uu kaga qayb galay caleemo saarkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxana ay tilmaantay in lagu xad-gudbay maqaamkkiisa.

Cabdilaahi Jaamac Cimsaan (Geeljire) oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda, haatanna ah xubin ka tirsan guddida ictiraaf raafinta Somaliland oo arrintan ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay nidaamkii  madaxda dalka Djibouti ula dhaqmeen madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxana uu sheegay inay arrintaas ku arkaan mid gef iyo meel ka dhac ku ah madaxweynaha oo loola bareeray. 

 “ma ay ahayn inuu madaxweynaheenu kamid noqdo dadka marka madaxweynihii martida loo ahaa iyo kuwa kaleba soo galaan u kaca ee sacabka tuma’e waxa ay ahayd inuu kamid noqdo kuwa sacabka loo tumayo, ragga meesha marayeyna waxa kamid ahaa madaxweynahayaal marka laga reebo ictiraafka caalamiga ah ee dalkoodu leeyahay aan  lahayn meeqaamka qof haaneed ee madaxweyne Siilaanyo leeyahay, qaar maxkamadaha caalamku raadinayaan ayaa madaxweynaheenii la yidhi sacabka u tun.” ayuu yidhi Cabdilaahi Geeljire.  

Cabdilaahi Geeljire waxa uu shacabka reer Somaliland ka raalligeliyey hab-dhaqankii madaxweyne Siilaanyo kala kulmay dalka Djibouti, waxana uu xusay inay ogaadeen wax badanoo hore uga qarsoonaa.  

Cabashada Somaliland ayaa timid maalmo kadib markii xaflada caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha Puntland kuraas loo dhigey irrida ay kasoo gala&even madaxweynayasha wadamada Afrika kuwasoo ka qayb galayey munasabadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM