Somaliland oo shaacisay Ergayga u matalay Wada-hadalka Somalia

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Adna Aadan Ismaaciil u magacaabay ergyaga u qaabilsan wadahadallada maamulkan iyo DF Somalia oo la filayo in dhawaan dib loo furo.

Adna Aadan Ismaaciil oo wasiirka arrimaha dibada ka soo noqontay xukuumadii Daahir Riyaale kaahin ayaa wareegtada lagu magacabay lagu amaanay waayo aragnimadeedii hore iyo xiriirada ay la leedahay QM oo ay horey uga soo shaqaysay.

Wadahadallada Somaliland iyo DF Somalia oo xilliyadii xafiiska ay joogeen Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh dhawr goor dalalka dibada ah ku qabsamoy ayaysan ka soo bixin wax natiijo ah oo xal laga gaaray qadiyadaha labadan dhinac.

Dhawaan wasiirka arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa codsaday in dib loo bilaabo wadahadallada ay la leeyihiin dowladda Somalia ee Somaliland.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilligii ololaha doorashada iyo ka diba sheegay in ahmiyad weyn ay siinayaan inay natiijo wanaagsan ka soo baxdo dib u bilaabista wadahadlada ay la galayaan Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM