Somaliland oo shaacisay mawqifkeeda ku aadan dilka Jaamac Kadiye

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Somaliland ayaa dhawaan war-saxaafadeed ka soo saartay dilka Abwaan Jaamac Kadiye, iyada oo beenisay inay ku lug lahayd dilkaas, waxayna tacsi u dirtay qoyskii uu ka baxay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa cambaareysay falka lagu dilay Jaamac Kadiye, waxa ayna tilmaantay in falkaasi ay ka dambeeyaan kooxo argagixiso ah oo ku sugan magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Kuwii falkaas ka dambeeyay waxay isku dayeen inay eedayn u jeediyaan Somaliland, waxaanu si adag uga soo horjeednaa eedahaas, waxaana ku baaqaynaa in si dhab ah loo baaro”.

Siyaasiyiin iyo mas’uuliin ka kala socda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay Somaliland inay ku lug leedahay dhacdadaas.

Isimada SSC ayaa dhankoodii xaqiijiyey inay Somaliland uga aargudan doonaan falkii lagu dilay Abwaan Jaamac Kadiye, wuxuuna Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil balan qaaday inay dhawaan xorayn doonaan Gooja-cadde.

Shalay ayay aheyd markii Abwaan Jaamac Kadiye uu ku geeriyooday Laascaanood, kadib markii madaafiic lala beegsaday gaarigiisa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM