Somaliland oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Image
Mawqifkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay soo food saartay caqabado dhinaca ammaanka ah.

HARGEYSA, Soomaaliya - Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u diidday go’aankii golaha ammaanka ee cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Dagaalladii arxan darrada ahaa ee dawladdii wixii la odhan jiray Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland isla markaana ay ku laysay in ka badan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta hub si fudud loo helo.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland ayaa sheegtay in go’aankan uu kordhinayo awoodda kooxaha argagixisada ee ka dagaalama Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in arrintaas ay khatar galinayso ammaanka ugana sii dareyso dhibaatooyinka bani’aadannimo ee hadda jira.

Somaliland ayaa u soo jeedisay golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay sameeyaan hannaan lagu dabagalayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliyaddiisa, sida ku xusan bayaanka.

Mawqifkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay soo food saartay caqabado dhinaca ammaanka ah oo ka taagan gobolka Sool ka dib markii maamulka SSC-Khaatumo uu dhul ballaaran kala wareegay, isla markaana uu ka curtay khilaaf siyaasadeed oo ba’an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM