Somaliland oo sheegtay in tacdi loo geystay meydka Marxuum Cabdinaasir

Image
Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa ayaa ka warbixiyay Baaritaanka lagu saeeyay meydka marxuum Cabdinaasir.

Hargeysa, Soomaaliya - Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, ayaa shaaca ka qaaday natiijada baaritaanka lagu sameeyay maydka Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable.

Dr. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in marxuumka la jirdilay ka hor inta aan la dilin oo xarig lagu ceejin, sida natiijada baaritaanka ay muujisay.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dabka laga jartay Talaagada meydkiisa la dhigay taasi oo keentay in muuqaalkiisa uu is bedelo.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa isna ka hadlay natiijada baaritaanka, wuxuuna yiri: “Maydkii oo tallaagadii la galiyay Dabkii laga jaray, ma dhaqanbaa, ma diin islaam baa, ma dadnimadaa, xaggee waxaas oo kale lagu arkay?”

Marxuumka ayaa maanta lagula tukaday salaadii janaasada, iyadoo ay ka soo qayb galeen madaxda maamulka Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar ka mida bulshada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM