Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Mustafa Cagjar

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], ayaa ka jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar].

Cagjar ayaa sheegay in degaanada Soomaalida ee xuduudka la leh dowlada Itoobiya – si gaar ah Somaliland iyo Jubbaland – ay ku dhuumaaleysanayaa xubno dambiyo kasoo galay shacabka degaanka.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu shaaca ka qaaday sidoo kale in shaqsiyaadkiisa ay soo abaabulayaan falal liddi ku ah amniga, isaga oo wacad ku maray inay gacanta kusoo dhigi doonan.

Faratoon oo war-fidiyeenka u waramay oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa dhinaca uga leexiyay maamulkiisa, isaga oo xusay inaanu jirin masuuliyiin degaanka kasoo jeedo oo dhulka Somaliland maamusho ku sugan.

Wasiirka ayaa wuxuu su’aal geliyay xaqiiqo ahaanshiyaha hadalka kasoo yeeray Mustafa Cagjar, kaasi oo uu ku tilmaamay “mid ubaahnaan lahaa in la hubiyo kahor inta aanan shacabka lala wadaagin”.

Horaantii sanadkaan ayay ahayd markii uu is-bedalku ka dhacay ismaamulka Soomaali Galbeed, oo ay shaacisay Somaliland inay jiraan wasiiro xuduudka kasoo gudbay, kuwaasi oo kolkii dambe la xiray.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhowr jeer faray hay’addaha nabad-gelyadda inay sugaan amniga xuduudka, islamarkaana ay gacan bir ah ku qabtaan xubnaha dhinaca Itoobiya kasoo galaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM