Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya
HARGEYSA, Soomaaliya - Somaliland ayaa si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib booqasho uu ku tagay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre magaalada Laascaannood, caasimadda maamulka SSC-Khaatumo.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Ahmed-Yasin Ali, ayaa hadal ka jeediyay kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Gollaha Wasiirrada, isaga oo si kulul uga hadlay booqashada Ra'iisul Wasaaraha iyo ficilada kale ee Dowladda Federaalka. Wasiirku wuxuu ku tilmaamay booqashada mid "daan-daansi colaadeed ah" oo aan mas'uuliyad ka muuqan.
"Maadaama ay Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Somaliland iyo mabaadi’dii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Somaliland waxa ay go’aamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025," ayuu hadalka raaciyay.
Sidoo kale, wasiir Ahmed-Yasin Ali ayaa si weyn uga soo horjeestay qaabka loo sii daayay maxaabiista dagaalka ee dhawaan laga sii daayay Laascaanood, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud inuu u isticmaalay arrintan si uu uga mashquuliyo shacabka xaalada gudaha ee dalka iyo fashilka siyaasiga ee haysta dowladda.
Wuxuu xusay wasiirka inaysan jirin wax wadahadal ah oo Somaliland kala gashay sii-deynta maxaabiista 25-ka qof gaaraya ee la geeyay Muqdisho, kuwaasoo uu ku sheegay inaysan ahayn maxaabiis dagaal.
Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.
GAROWE ONLINE