Somaliland oo sii deyneysa maxaabiis xili ay korortay cabsida Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto ku taariikheysan 1-da bisha April sanadkan 2020 shaaca kaga qaadey in uu cafis ugu fidiyey 574 maxbuus xili ay korortay walwalka fayruska Corona.

Sidda ku xusan digreetada, maxaabiista lasii deynayo waa kuwa "dembiyada aan aan cusleyn loo xukumay". Sababta waxay la xiriirtaa ka hortagga faafitaanka cudurkaas.

"Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud," ayuu ku daray.

Wareegtada heerka madaxweyne ayaa la raaciyey: "Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan".

Talaabadaan ayaa imaaneysa xili Somaliland ay shalay xaqiijisay laba kiis oo xanuunka Covid-19 ah, kuwaas oo laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco. Midkood waa qof degaanka ah, kan kale waa Shiinees.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in labadooda ay dhowaan kasoo laabteen safar dibadda ah. Shaqsiga degaanka ah wuxuu kasoo noqdey Ingiriiska, waxaana la baaray labadooda markii astaamaha lagu arkay.

Kiisaska cusub ee laga xaqiijiyey Somaliland ayaa shan ka dhigtay xaaladaha caabuqa ee guud ahaan Soomaaliya, maadaama saddex kale laga soo sheegay Muqdisho, wallow midkood uu ka bogsoodey fayruska dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM