Somaliland oo sii deysay mulkiilaha Astaan Tv

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa lagu waramay in Khamiista maanta ah ay sii daayey Cabdiraxmaan Yuusuf, oo ah mulkiilaha telefishinka maxaliga ah ee Astaan Tv.

Bishii November 4-teeda sanadkan 2020-ka ayay ahayd markii maamulka Hargeysa uu shan sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku ridday ganacsadaha.

Xilli aan la shaacin sababta loo xiray, ganacsadahan oo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa xabsi loo taxaabay 17-ka bishii Julaayo ee isla sanadkan 2020.

Ma cadda qaabka ay ku timid sii deynta Cabdiraxmaan. Maamulka Somaliland iyo shirkaddiisa ayaan wali tafaasiil dheeraad ah ka bixin in uu xorriyadiisa dib u helay ganacsadaha.

Cabdiraxmaan oo ku dhashay magaaladda Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale wuxuu yahay aas-aasaha shirkada dhanka warbaahinta oo la yiraahdo HornConnect.

Astaan Tv oo kalkii hore la oran jiray Access TV ayaa ka kooban sideed qeybood oo kala ah; Ciyaaraha, arrimaha diinta, Barnaamijyada carruuta, Muusiga Filimaanta, Riwaayadaha, Arrimaha caafimaadka iyo Waxbrashada.

Somaliland ayaa kamid ah degaanada Soomaaliya ee tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta ay aadka ugu badan yihiin isla markaana ay joogto ka yihiin xariga iyo maxkamadeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM