Somaliland oo soo saartey go'aan ka dhan ah Muqdisho xili ay xiisad jirto

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaadey in ay hakisay daawooyinka uga imaan jiray Muqdisho, caasimadda dalka Soomaaliya.

Hay'adda Hubinta Tayadda Wax-soo-saarka ayaa sheegtay in daawooyinka ka yimaada Muqdisho "aysan ku habooneyn nolosha bini'aadamka".

Gudoomiyaha Hay'addaas, Muuse Xasan Yuusuf, ayaa hoosta ka xariiqay in go'aankan ay qaateen kadib markii ay qabteen "daawooyin dhacay".

Ganacsatada daawooyinka kasoo iibsada Muqdisho ayaa laga doonayaan in ay la yimaadaan caddeymo muujinaya tayada badeecadooda, siduu xusay.

"Ma aysan gaarin heerkii mamnuucista, laakiin waxaan uga baahan nahay in ay la yimaadaan waxyaabaha hay'addu u baahan tahay," ayuu ku daray.

Gudoomiye Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa ku booriyey ganacsatadda in ay kala shaqeeyaan hay'adda sidii ay u gudan lahayd waajibaadkeeda.

Sikastaba, Hay'adda Hubinta Tayadda Wax-soo-saarka ayaa xarumo ku leh xuduudaha iyo garoomada, halkaasoo ay ku hubiso badeecadaha kala duwan.

Go'aankan ayaa kusoo aadaya xili ay jirto xiisad ku saabsan wada-hadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo hakad ku jira shantii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM